Kooxda Barcelona Oo Hal Shardi Ku Xidhay Saxiixa Sergio Aguer.

Kooxda Barcelona ayaa hal shardi ku xidhay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu Sergio Aguero isaga tagi doono kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdu dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo soo afjaraya 10 sano oo uu kooxda joogay.

Xiddiga reer Argentine ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah uwaas oo doonaya saxiixiisa marka loo eego in uu xor yahay waxana ka mid ah kooxaha Barcelona & Chelsea.

Wargayska Quattro ayaa sheegaya in ay Barcelona u dhaqaaqi karto saxiixa xiddiga Sergio Aguero laakiin hal shardi hor dhigay xiddiga hadii uu doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Maamulka Barcelona hordhigeen xiddiga in uu laba jibaar hoos u dhigo mushaharka uu haatan kooxda ka qaato iyo waliba in uu ogolaado in uuna si joogto ah ugu ciyaari donin kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE