Liverpool Oo Loo Sheegay Sababta Ay Ugu Fashilmi Doonaan In Ay Soo Laabasho Sameeyaan Kulanka Real Madrid.

Caawiyihii hore ee Tababarihii hore ee Liverpool Rafael Benitez ee Pako Ayestaran Ayaa sheegay in ayna Liverpool soo laabasho samayn doonin kulanka Real Madrid ee champions League Arbacada.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa ku qasban guul kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen Real Madrid lugtii hore ee champions league xilli Los Blancos ugu cad-cadahay in ay u gudubto wareega xiga.

Laakiin Liverpool ayaa taariikh ahaan soo laabashada ku caan baxday iyaga oo Barcelona ku sameeyay soo laabasho taariikhi ah Sanadkii 2019 sidoo kale sanadkii 2005 soo laabasho sameeyay Final-ka tartanka.

Si kasta ha ahaatee Ayestaran oo caawiye ka ahaa Liverpool final-kii 2005 ay Liverpool qaybta dambe soo laabashada samaysay ayaa sheegay in maqnaanshaha taageerayaasha ee Anfield faa’iido u tahay Real Madrid.

“Real Madrid ayaa qabta faa’iidada Garoonka Anfield oo madhan”ayuu u sheegay MARCA.

“Jawigii aan arkay 8 dhamaadkii Juventus iyo Semi-final-kii Chelsea waxa uu ahaa mid culus kaas oo riixay kooxda”.

“Ku ciyaarista Anfield ma ahan wax fudud laakiin Madrid waxa ay leedahay geesinimo iyo waliba in ay haystaan xiddigo heer sare ah”ayuuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE