Man United PSG Mise Man City? Harry Kane Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Hadii Uu Ka Tago PSG.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa haatanba doortay kooxda uu ku biiri doono hadii uu ka tago kooxda Tottenham dhamaadka xilli ciyaareedkan suqua xagaaga.

Mustaqbalka Harry kane ayuu shaki weyn soo fuulay xilli ay kooxdiisa Tottenham ku dhibaatoonayso qaab ciyaareedka waliba u dhawdahay in ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Harry Kane ayaa doorbidaya in uu sii joogo Premeir League waliba midkood ku biiro Kooxaha Man United ama Man City halka uu ku biiri lahaa kooxda PSG hadii uu ka tago kooxda Man City.

Wargayska The Independent Ayaa haatan sheegaya in kabtanka xulka qaranka England doonayo in uu sii joogo Premeir Leaue halkii uu ku biiri lahaa kooxda PSG oo uu hogaamiyo tababarihii uu kaga soo hoos shaqeeyay Tottenham.

Go’aanka Harry Kane ayaa imanaya xilli kooxaha Man United iyo Man City xiiso u qabaan saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyareedka dambe.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE