Sababtii Dhabta Ahayd Ee Ka Dambaysay Xanaaqii Cristiano Ronaldo Ee Kulankii Genoa Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu si weyn uga xanaaqay xiddigaha ay isku kooxda yihiin Juventus kadib markii ay baas u dhigi waayeen kulankii ay Juventus garaacday kooxda Genoa.

Xiddiga reer Portugal ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Serie A-da inkasta oo ay kooxdiisu ku dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan waliba 12 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 1-aad ee Inter Milan.

Kooxda Juventus ayaa koxoda Genoa Ka gaadhay guul muhiim ah Axadii laakiin Ronaldo ayaan wax gool ah dhalin 90-kii daqiiqo ee uu ciyaaray kulanka.

Kadib dhamaadka ciyaarta xiddiga reer Portugal ayaa muujiyay xanaaq xoogan isaga oo xitaa dhulka ku tuuray maaliyada kooxda Juventus taas oo ka yaabisay xiddigaha kooxda marka loo eego in ay kooxdu guul gaadhay.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaua in uu Ronaldo ka xanaaqay kadib markii ay xiddigaha ay isku kooxda yihiin ayna kubada u dhigin marar badan intii ay ciyaartu socotay taas oo keentay in uu si xun u xanaaqo.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE