“Waxa Aan Anfield U Nimid In Aan Idin Garaacno”:-Zinedine Zidane Oo Digniin U Diray Liverpool.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u diray kooxda Liverpool ka hor kulankooda Adag ee lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League kulanka ka dhici doona Anfield.

Tababare Zidane ayaa sheegay in ay kooxdiisu Anfield u timid sidii ay u garaaci lahayd kooxda Liverpool isagana xaadirin lahayd wareega Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Zidane ayaa sheegay in ayna Kooxdiisu u iman Anfield in ay bar-baro kala baxdo laakiin u timidi sidii ay u garaaci lahayd Reds waliba iska xaadirin lahayd wareega xiga.

Zidane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan Anfield u imanaynaa in aan guul gaadhno laakiin ima imanayno in aan bar-baro kala baxno ama aan iska xaadirino wareega xiga oo kaliya”.

“Waxa aan diyaar u nahay in aan Liverpool la ciyaarno kulan waliba aan ku garaacno garoonkooda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.


Source: laacibfm.com

SHARE