Liverpool Mise Real Madrid? Thomas Tuchel Oo Kashifay Kooxda Uu Doonayo In Ay U Soo Baxdo Wareega Xiga.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qirtay in uu taageerayo Real Madrid kulanka caawa dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Chelsea lugta 2-aad ee champions League isaga oo qirtay in uu doonayo in uu ka hor tago Los Blancos wareega Semi-final-ka tartanka.

Tababare Thomas Tuchel ayaa chelsea geeyay Semi-final-ka artanka champions Leaguemarkii ugu horaysay muddo 7 sano ah kadib markii ay dhaafeen kooxda Fc Porto.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa midkood ugu tagi doona Semi-final-ka iyada oo Real Madrid haatan ugu cad-cadahay in ay iska xaadiriso wareega Semi-final-ka kadib markii ay guul 3/1 ah gaadheen lugtii hore.

Xilli ay kooxda Jurgen Klopp rajaynayso in ay guul soo laabasho leh ka gaadhaan Thomas Tuchel ayaa qirtay in uuna doonayn in ay Liverpool soo baxdo maadama uuna doonayn in uu champions League kaga hor tago koox ka ciyaarta Premeir league.

“Ma jirto wax aan si gaar ah u rajaynayo laakiin guud ahaan ma jecli in aan champions League kaga hor tago koox ka ciyaarta isla horyaalka aan joogo”ayuu U sheegay BT Sport.

“Sababta oo ah waxa ay dhaaftaa dareenka tartanka yurub laakiin kaliya arintaas ayaa jirta”.

“Koox walba oo u qalanta in ay u gudubto wareega xiga diyaar ayaan u nahay waanan daawan doonaa kulanka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay


Source: laacibfm.com

SHARE