Mohamed Salah Oo Kulanka Real Madrid Isha Ku Haya Rikoodh Uu Steven Gerard Ka Dhigay Champions League

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isha ku haya rikoodh cajiib ah oo uu Halyeeyga Liverpool ee Steven Gerard ka dhigay champions League marka ay Liverpool caawa la ciyaari doonto Real Madrid.

Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Real Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League kulan soo gali doona 10:00 wakhtiga Somaliya.

Kooxda Liverpool ayaa bogeeda Internet-ka ku sheegtay in uu Mohamed Salah Bar-Barayn doono rikoodh uu Gerarad ka dhigay Champions League intii uu joogay kooxda Liverpool.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay ilaa haaatan 4 kulan oo xidhiidh ah champions League hadii uu kulanka caawa gool dhalinaya waxa uu bar-barayn doonaa rikoodhkii Steven Gerard kaas oo uu 5 kulan oo xidhiidh ah gool kaga dhaliyay champions Leaguu.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Ka Faa’iidaystaan, Miyaad Ka Mid Tahay


Source: laacibfm.com

SHARE