Arintan Cadayn Ma U Tahay In Uu Declan Rice Doonayo Ku Biirista Man United?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham ee Declan Rice ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha Man United ee Harry Maguire & Luke Shaw wax ka waydiiyay Man United intii lagu jira fasaxii xulalka.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana la aamisanyahay in uu bartilmaameed u yahay kooxda Man United.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe xiiso u qabo ku biirista kooxda Man United marka la gaadho suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddiga Rice uu Waxyaabo Man United ku saabsan waydiiyay xiddiga Harry Maguire & Luke Shaw intii uu kula sugnaa waajibaadka xulka qaranka England.

Man United ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe xiddiga Rice inkasta oo ay tartan adag kala kulmayso kooxda Chelsea kuwaas oo doonayay saxiixiisa ilaa xagaagii.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm.com

SHARE