Barcelona Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Samuel Umtiti.

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga daafaca uga ciyaara ee Samuel Umtiti kadib markii uu xiddigu ka baxay qorshaha tababare Ronald Koeman.

Samuel Umtiti ayaa kaydka fadhiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay waxana uu xilli ciyaareedkan oo dhan ciyaaray kaliya 13 kulan waxana uu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga 2023.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Maamulka Barcelona go’aansadeen in ay iska iibiyaan xiddiga xagaaga si ayna xor ugu waayin marka uu heshiiskiisu dhoco.

Barcelona ayaa sidoo kale doonaysa in ay meesha ka saarto mushaharka xiddiga oo dhan 12 milyan oo euro taas oo kooxda ku ah culays sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale xumo.

Xiddiga Samuel Umtiti ayaa helaya xiiso waali ah oo uga imanaya kooxaha Arsenal, Man United iyo Tottenham kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga reer France.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm

SHARE