Koox Premeir League Ah Oo Isaga Hadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Erling Haaland

Koox ka ciyaarta horyaalka premeir League ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxday baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga Erling Kadib markii uu xiddigu dalbaday mushahar aad u sareeya.

Kooxaha Man United, Chelsea, Liverpool iyo Man City ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga da’yarka ah iyada oo uu wakiilka xiddigu dhamaan kooxahaas la kulmay.

Shabakada Goal ayaa sheegaya in koox aan la magacaabin ay isaga hadhay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddigakadib markii uu dalbaday mushahar sanadkii dhan 30 milyan oo euro.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo soo jiitay kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa sidoo kale xiddiga ku qiimaysa lacag dhan 154 milyan o euro iyada oo sidoo kale ay kooxdu bixinayso lacagta wakiilka xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm

SHARE