Man United Oo Wadahalo Horumar Leh Kula Jirta Xiddig Baxsad Ka Ah Real Madrid.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo horumar leh kula jirto daafaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysanyahay in uu raadinayo daafac dhexe si uu uga garab ciyaarsiiyo kabtankiisa Harry Maguire Raphael Varane ayaana hogaaminaya liiska xiddigaha ay kooxdu doonayso.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayuu heshiiskiisa Real Madrid dhici doonaa xagaaga 2022 waxana uu ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid.

Kooxda Zidane hogaamiyo ayaa la sheegayaa in ay iska iibin doonto xiddiga xagaaga hadii uu qalinka ku duugi waayo heshiis cusub maadama ayna doonayn in xor ku waydo xiddiga xagaaga dambe.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo horumar leh kula jirto xiddiga Varane xili uu xiddigu doonayo in uu ku biiro horyaalka premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm

SHARE