Mohamed Salah Oo Uu Wel-Wel Ka Fuulay Mustaqbalkiisa Liverpool, Maxaa Cusub?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu ka wel-welsanyahay in ay Maamulka Liverpool ka fikirayaan in ay iska iibiyaan isaga marka la gaadho suqua xagaaga xilli uu xiiso ka helayo Real Madrid.

Xiddiga reer Masar ayaa ku dhaw in uu ku dhamaysto xiddiga ugu goolasha badan liverpool xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah isaga oo dhaliyay 28 gool 44 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga ayaa fursado fiican ka lumiyay kooxdiisa kulankii ay bar-baraha la gashay Real Madrid ee ka tirsanaa tartanka champions League xilli ay Reds haatan tahay in ay ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya hadii ay doonayso in ay ka ciyaarto champions league xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska The Athletic ayaa haatan sheegaya in uu Mohamed Salah ka wel-welsanyahay in ay Liverpool ka fikirayso i ay iska iibiso marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa sameeyay qirasho ku saabsan rabitaankiisa in uu ka ciyaaro horyaalka La Liga xilli uu xiiso ka helayo koxoda Real Madrid kuwaas oo la filayo in ay si xoogan suuqa u galaan xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm.com

SHARE