Paul Pogba Oo Hogaaminaya Liis 5 Xiddig Oo Ay Juventus Doonayso Suuqa Xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu ka mid yahay 5 xiddig oo ay Juventus doonayso suuqa xagaaga.

Wakiilka Pogba ee Mino Raiola ayaa sheegay sanadkii hore in mustaqbalka xiddiga uu wakiilka u yahay ee Old Trafford soo dhamaaday waliba isku dayi doono in uu ka kexeeyo kooxda.

Heshiiska Pogba ee Man United ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana uu shaku ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda iyada oo kooxdu filayso dalabyo u yimaada xiddiga suuqa xagaaga.

Juventus ayaa si aad ah u doonaysa xiddigeedii hore waxana ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay soo qaateen.

Shabakad Goal ayaa sheegaysa in uu Paul Pogba ka mid yahay liis 5 xiddig oo ay Juventus doonayso xiddigaha kale ee ay kooxdu doonayso waxa ka mid ah xiddigaha Gianluigi Donnarumma & Alessio Romagnoli.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm.com

SHARE