Real Madrid Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Muhiim U Ah, Goorma Ayaa Lagu Dhawaaqayaa Heshiiska?

Wargayska AS ayaa kashifay in uu xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real madrid waliba laabda dhinac wax walba oo heshiiska ah dhamaystireen.

Heshiiska Mudric ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga reer Croatia ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid iyo Modric dhamaystireen heshiiska iyada oo uu xiddigu saxiixi doono heshiis cusub oo hal sano ah oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2022.

Xiddiga Luka Modric ayaa ogolaada in uu hoos u dhigo mushaharkiisa 10% si uu qalinaka ugu duugo heshiiska cusub una sii joogo kooxda xilli ciyaareed kale.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay haatan heshiiska ka dhimantahay in ay kooxdu ku dhawaaqdo waliba la filayo in lagu dhawaaqo heshiiska maalmaha soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm

SHARE