Xaaska Xiddig U Ciyaara Man United Oo Doonaysa Xiddigu In Uu Ku Biiro Real Madrid.

Xaaska xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Anthony Martial ayaa donaysa in uu weeraryahanku ku biiro kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Anthony Martial ayaa lala xidhiidhinyaa in uu isaga tagayo kooxda Man United kadib markii uu xilli ciyaareed niyad jab leh ku soo qaatay Old Trafford.

Xiddiga reer France ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan xilli ciyaareedkan iyada oo la filayo in ay ku adkaan doonto in uu boos ka helo kooxda xilli ciyaareedka dambe iyada oo Man United lala xidhiidhinayo xiddigo badan.

Shabakada Get Football News France ayaa sheegaysa in xaaska xiddigu doonayso in uu ku biiro kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu ka tago kooxda Man United.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda weeraryahan cusub raadinaysa si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?


Source: laacibfm

SHARE