Chelsea Mise Real Madrid? Taageerayaasha Kbada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda U Gudbi Doonta Final-ka Champions League.

Waxa la sugayaa kulamada Semi-final-ka tartanka champions League oo ay wada ciyaari doonaan kooxo adag oo ka mid ah qaarada yurub iyaga oo la ogaan doono labada kooxood ee iska xaadirin doona Final-ka tartanka.

Kulanka sida weyn loo wada sugayo ayaa ah kulanka dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Chelsea Semi-final-ka artanka champions League kaas oo meel gaba-gabo ah maraya xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ee Real Madrid iyo Chelsea ayaa soo kala dhaafay kooxaha Liverpool Iyo Fc Porto kulamada 8 Dhamaadka tartanka champions league iyaga oo isku balansaday wareega Semi-final-ka tartanka.

Ka hor kulanka UEFA ayaa samaysay codayn ay taageerayaasha kubada cagta ku waydiinayso kooxda ay u saadaalinayaan in ay iska xaadirin doonto Final-ka tartanka kulanka Real Madrid iyo Chelsea.

Saadaalinta ayay ka qayb qaateen taageerayaal dhan 69,524 kuwaas oo codkooda ka dhiibtay kooxda ay aaminsanyihiin in ay badin doonto iskana xaadirin doonto Final-ka tartanka champions League.

Taageeryaaal dhan 60.1% ayaa u saadaaliyay in ay Real Madrid garaaci doonto chelsea iskana xaadirin doonto Final-ka tartanka halka 39.9% ay taageerayaashu u codeeyeen kooxda Chelsea.

Suuu Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE