Chelsea Oo 100 Milyan Ugu Dhaqaaqaysa Kaliya Laba Xiddig Oo Khadka Dhexe Ah.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabto in ay la soo saxiixato labada xiddig ee khadka dhexe ee Jude Bellingham Iyo Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Jude Bellingham oo 17 jir ah ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Borussia Dortmund xilli ciyaareedkan waxana uu soo badhigay qaab ciyaareed soo jiitay indhaha tababare Thomas Tuchel.

Sidoo kale chelsea ayaa dib u soo cusboonaysiinaysa xiisaha xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice kaas oo lala xidhiidhinayay xagaagii la soo dhaafay.

Wargayska Eurosport ayaa sheegaya in ay chelsea diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 100 milyan oo euro kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee reer England.

Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu dhiso koox xilli ciyareedka dambe Man City kula tartanta koobabka waxana uu labadaas xiddig u arkaa kuwo fure u noqon kara khadkiisa dhexe xili ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE