Liverpool Oo Loo Tilmaamay Badalka Tooska Ah Ee Georginio Wijnaldum, Waa Xiddig Premeir League Ka Ciyaara.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa Kooxdiisii hore u sheegay in xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Yves Bissouma Yahay badalka rasmiga ah ee xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Georginio Wijnaldum ayay 2 bilood uga hadhsanyihiin heshiiskiisa kooxda Liverpool waxana uu qarka u saaranyahay in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Xiddiga reer Holland ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona halkaas oo uu joogo tababarihiisii hore ee xulka qaranka Netherland ee Ronald Koeman kaas oo doonaya saxiixiisa.

“Yves Bissouma waxa uu leeyahay awod uu ugu ciyaari karo koox Liverpool oo kale ah, waxana uu buuxin karnaa booska uu ka boxo Wijnaldum, sidoo kale waxa uu leeyahay tayada uu Klopp doonayo”ayuu Barnes u sheegay BonusCodeBets.

“Difaac ahaan waa mid awood leh, waxa uu u shaqeeyaa si xoogan waxana uu u ciyaaraa kubada si dhakhso leh marka loo baahanyahayna gambis wuu samayn karaa”ayuu sii raaciyay.

“Waxa uu u qaab ciyaareed eegyahay Georginio Wijnaldum inkasta oo uuna in badan weerar galin sababta oo ah Brighton waxa ay u ciyaartaa qaab ciyaareed ka duwan midka Liverpool”.

“Wali waa xiddig 24 jir ah waana xiddig da’yar ah sidaas darteed wuu ku soo bixi lahaa Liverpoo”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE