Miyu Carvajal Ciyaarayaa Kulanka Getafe , Maxuu Tababare Zidane Damacsan Yahay ?

Warbaahinta Spain ayaa ka hadashay xaaladda Carvajal iyo kulanka La Ligaha ee ay Real la ciyaareyso Getafe

Rela ayaa axadda marti u ah kooxda Catafe oo ay wada leeyihiin kulan ka tirsan wareegga 33-aad ee La Ligaha

Garabkaas middig ee Carvajal ayaa Real ka maqan muddo ku dhaw sedex bil waxa uu ka sheegtay dhaawac

Carvajal oo haatan soo kabsaday ayaa tan iyo isniintii hore waxa uu si dabiici ah u sameynayaa tababarka balse tababare Zidane ayaa diidan in laacibkaas uu ku qamaaaro .

Sida ABC sheegeyso Carvajal ayaa si wacan u soo bogsaday balse macalinka ayaa diidan waxa uuna doonayaa in tababarka uu sii wato ka hor inta uusan garoomaada ku soo laaban

Zidane oo diidan in Carvajal uu safo kulankaas waxa uu door bidayaa in garabkaas midig midkood kaga tiirsanaado Odriozola iyo Valverde

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Zidane uu damacsna yahay in Carvajal uu daqiiqadii ka ciyaarsiiyo kulamada Cadiz iyo Real Betis si uu diyaar ugu ahaado kulanka Chelsea


Source: laacibfm

SHARE