Miyuu Kante Ciyaarayaa Kulanka Man City , Yaa Ka Maqnaanaya , Macalin Tochel Ayaa Ka Jawaabay

Tababarah Chelsea ee Tochel ayaa daboolka ka qaaday xaaladda dhowr xiddig oo kooxdiisa ah oo ku aadan in ay ciyaari karaan iyo in kale kulanka Man City ee FA Cup-ka

Labadaas koox ayaa axadda wada ciyaarayaa kulan ka tirsan wareegga semi finalka FA Cup-ka

Kante oo dhaawac jilibka ah ka sheeganayay ayuu haatan macalinka sheegay in uu diyaar buuxa u yahay kulankaas

Wargeyska Mirror ayuu Tochel ka yiri” ogalaansho ayay taqaatiirta inoo siiyeen in Kante uu ciyaaro kulanka Man City”

Arinta Kovacic mar uu ka hadlayay waxa xaqiijiyay in uusan diyaar u aheyn kulankaas balse xaaladiisa ay soo wacnaaneyso.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in Christensen isna aysan u suura galeyn in uu saftro kulanka Man City


Source: laacibfm

SHARE