Pep Oo Niyadda U Dhisay Xiddigiisa Cuqdada Gashay Ee Raheem.

Tababaraha Man City ee Pep ayaa aaminsan in labadiisa xiddig Foden iyo Raheem ay awoodaan in si wada jir ah kulamada soo socda kooxd ugu soo wada biloowdaan

Macalin Pep ayaa kulankii Champion-ka ee Dortmund ku tiirsanaanin Raheem iyadoo keydka uu fadhiyay waxa uuna shaxda ku soo bilaabay Foden .

Mar la weydiiyay in Foden iyo Raheem wada jir kooxda ugu ciyaari karaan ayna shaxda ku soo wada bilaaban karaan ayuu Pep ku jawaabay” haddii xaalka kooxda iyo doorashooyinka aan sameeyo eegto jawaabta waa ay caddahay , run ahaantii wada jir shaxda kooxda waa ay ugu soo bilaaban karaan , horayna waan u sameeyay”.

Waxa uu intaas sii raaciyay” Foden 5 boos ayuu ku ciyaari karaa , Raheem-na sedex boos runtii waa lagu tiirsananayaa”.


Source: laacibfm

SHARE