RASMI: Kooxaha Isla Ciyaari Doona Semi-Final-ka Europa League Oo La Ogaaday.

Waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay kulamada Semi-final-ka tartanka Europa League kadib markii la ciyaaray kulamadii lugtii 2-aad ee 8 Dhamaadka tartanka xilli ciyaareedkan.

4 Kooxoood ayaa iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka iyaga oo ku dagaalami doona labada boos ee ugu dambeeya ee tartanka 2-ad ee ugu qiimaha weyn koobka kooxaha qaarada yurub.

Kooxda Man United ayaa garaacday kooxda Granada waxana ay iska xaadiriyeen wareega Semi-final-ka kadib guul 4/0 ah oo ay gaadheen labadii lugood ee kulanka.

Dhanka kale Arsenal ayaa iska xaadirisay wareega xiga kadib markii ay 5/1 kaga badisay kooxda Slavia Praha natiijooyinka labada lugood ee kulanka.

Kooxda Roma ayaa dhankeeda goosatay tigidhkeeda wareega xiga kadib markii ay 3/2 uga badisay kooxda Ajax Natiijada labada lugood ee kulanka iyada oo Villarreal tahay kooxda 4-aad ee goosatay tigidhkeeda.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku aadka iyo wakhti la ciyaari doono kulamada:

Lugta 1-aad (29 April)

Manchester United vs Roma

Villarreal vs Arsenal

Lugta 2-aad (6 May)

Roma vs Manchester United

Arsenal vs Villarreal.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE