Real Madrid Mise Chelsea? Rivaldo Oo Kashifay Kooxda Iska Xaadirin Doonta Final-ka Champions League.

Rivaldo ayaa sheegay in uu filayo in ay Real Madrid iska xaadiriso Final-ka champions League sabab la xidhiidha in ay chelsea kaga fiicantahay dhinaca khibrada.

Madrid ayaa iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka kadib markii ay garaacaday kooxda Liverpool kulan labada lugood ku dhamaaday natiijo 3/1 ah.

Chelsea ayaa dhankeeda iska xaadirisay Semi-final-ka kadib markii ay dhaaftay kooxda Fc Porto kulan ku dhamaaday 2/1.

Rivaldo ayaa sheegay in ayna chelsea ka badin karin Real Madrid sabab la xidhiidha khibarada ka fiican ee ay Los Blancos leedahay marka laga hadlayo champions League.

“Waxa aan arkaa in ay Real Madrid ugu cad-cadahay in ay gaadho Final-ka champions League sababta oo ah waxa ay leedahay xiddigo khibarad weyn u leh marka loo bar-bar dhigo chelsea oo caruur ah”.

“Chelsea si kasta ha ahaatee waxa ay leedahay awood aan la dhayalsan karin laakiin waxa aan aaminsanahay in ay Real Madrid khibradu ka caawin doonto in ay gaadho final-ka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE