Real Madrid Oo Arsenal Ku War Galisay Go’aankeeda Ku Aadan Martin Odegaard.

Kooxda Real Madrid ayaa Arsenal u sheegtay in uuna xiddiga Martin Odegaard iib ahayn marka la gaadho suuqa kala iibisga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa rajaynaysay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Martin Odegaard marka la gaadho suqua xagaag kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Real Madrid dhigeeda Arsenal u sheegtay in uuna xiddigu iib ahayn xagaaga maadama uu ka mid yahay qorshaha mustaqbal ee kooxda.

Warkan ayaa war xun ku ah Mikel Arteta kaas oo doonayay in uu xiddiga ku sii hayso kooxda kadib markii uu la dhacay wax qabadkiisa tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii January.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE