Sababtii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ku Seegay Kulankii Europa League Ee Kooxdiisa Oo La Ogaaday.

Kabtanka kooxda Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaaca ka qaaday inuu la xanuunsanayay Xanuunka duumada.

Weeraryahanka ayaa xaqiijiyay in uu xanuunka Soo qaaday intii uu ku maqnaa waajibaadka xulka qaranka bishii March.

“Nabadeey, saaxiibayaal waad ku mahadsantihiin fariimaha”ayuu Aubameyang ku qoray bogiisa Instagram ka hor kulankii ay kooxdiisa ee Europa League.

“Nasiib xumo waxa igu dhacay xanuunka Duumada intii aan ku sugnaa waajibaadka xulka todobaadyo ka hor”.

“Waxa aan dhawr maalin joogay dhakhtarka todobaadkan laakiin haatan waa soo fiicnaanayaa, waxana sabab u ah dhakhtarada fiican kuwaas oo si deg-deg ah u helay xanuunka igana dawaynaya”.

“Dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay fiicnaan maan dareemayn laakiin waxa aan ku soo laaban doonaa si ka xoogan sidii hore, dhawaan ayaan idin kari doonaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!


Source: laacibfm

SHARE