Chelsea Oo Garaacday Man City Iskana Xaadirisay Final-ka FA Cup-ka

Kooxda chelsea ayaa garaacday kooxda Man City iskana xaadirisa Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kadib kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Wembley.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ku bilowday qaab ay Man City maamulaysay ciyaarta sidoo kale chelsea ku jirtay daafac ku jirtay waliba qadaysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo adeegsanaya orodka xiddigaha Ziyech iyo Werner.

Man City ayaa maamulaysay kulanka sidoo kale raadinaysay goolal xilli ay Chelsea ciyaaraysay kubado orod ah oo ay doonayeen in ay gool kaga naxsato Man City.

Daafaca chelsea ayaa joojiyay halista xiddigaha kooxda Man City iyaga oo u diiday in ay sameeyaan furado fiican oo ay gool ka dhalin karaan taas oo keentay in ay Man City ku mashquusho in ay gool dhaliso.

Daqiiqadii 6-aad ayay chelsea dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Werner laakiin goolkaas waxa diiday Offside uu ku jiray xiddiga Werner.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay chelsea joojisay kooxda Man City xilli ay sidoo kale dhankooda ayna qaadin weeraro wax ku ool ah.

Qaybta Dambe:

Kooxda Man City ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta sii waday ciyaar dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka hogaanka xilli ay chelsea raali ku ahayd in ay difaac ku jirto weerar rogaal celis ahna qaado.

Daqiiqadii 55-aad ayay chelsea doonaysay wixii ay doonaysay kaas oo ahaa in ay dhaliso gool rogaal celis ah iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Hakim Ziyech kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Blues hogaaminayso.

Wixii intaas ka dambeeyay chelsea ayaa difaac adag gashay xilli ay Man City wax walba u samaysay in ay dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo goobo galiyay xiddigaha chelsea.

Laakiin kooxda chelsea ayaa si xoogan u difaacatay iyaga oo Man City u diiday in ay dhaliso wax gool ah iyaga oo dhankooda helay fursado fiican oo ay ku dhalin kareen goolal.

Daqiiqadii 90+3-aad ayay Chelsea mar kale dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Christian Pulisic laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga reer America.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea gaadhay guul muhiim ah iskana xaadirisay Final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.


Source: laacibfm

SHARE