Faah-Faahinta Heshiiska Ay Liverpool U Soo Bandhigayso Ibrahima Konate Oo La ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso heshiis 5 sano ah oo ay u soo bandhigayso xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ibrahima Konate xilli ay isku diyaarinayaan i ay helaan xiddiga suuqa xagaaga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga doonaya in ay ku xoojiyaan daafacooda xilli ciyaareedka dambe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddiga daafaca ka ciyaara lagu bur-burin karo lacag dhan 34 milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ka shaqaynayso in ay heshiis la gaadho xiddiga reer France si ay u hesho saxiixiisa xagaaga.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaarinayso heshiis 5 sano ah oo ay ka saxiixanayso xiddiga si ay ula wareegto marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.


Source: laacibfm

SHARE