Modric, Salah, Neymar, Messi, Mane, Dembele, Alaba & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Jude Bellingham Iyo Decland Rice marka la gaadho suuqa xagaaga (Eurosport).

Kooxda Man United ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Leicester City ee Wesley Fofana (Foot Mercato).

Kooxda Liveprool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele kaas oo ay u doonayso badalka Sadio Mae (Fichajes).

Kooxda Liverpool yaa iska iibinaysa xiddiga garabka uga ciyaara ee Sadio Mane suuqa xagaagan si ay lacag ugu hesho kooxda (Fichajes).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Martin Satriano oo 20 sano jir ah (Mail).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa la sheegayaa in uu suuqii January heshiis la meel dhigay kooxda Real Madrid si uu ugu biiro kooxda xagaaga (Marca).

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay wadahadalo heshiis cusub ah la furto xiddiga da’yarka ah ee Phil Foden (Mirror).

Tababaraha Kooxda PS ee Mauricio Pochettino ayaa balan qaaday in uu xiddigaha Neymar iyo Kylian Mbappe ku sii hayn doono kooxda xilli ciyaareedka dambe (Cadena SER).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporte ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay in uu Lionel Messi doonayo in uu sii joogo kooxda (Deportes Cuatro).

Kooxda Liverpool ayaa diiday in ay Xiddiga Georginio Wijnaldum u soo bandhigto heshiiska uu doonayo taas oo la macno ah in uu xiddigu qaab xor ah uga tagi doono kooxda (Liverpool Echo).

Kooxda Liverpool ayaa ku qasban in ay iska iibiso xiddiga Mohamed Salah hadii ay doonayaan in ay dib u soo ceshtaan weeraryahanka Luis Suarez (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ogolaaday heshiis cusub oo kooxda Real Madrid ah (AS).

Xiddiga lala xidhiidhinayo Liverpool ee daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate ayaa sheegay in uuna wakiilkiisa wax xidhiidh ah la samayn Liverpool (Bild).

Real Madrid ayaa kooxda Arsenal u sheegtay in uuna xiddiga Martin Odegaard iib ahayn xagaaga (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Sevilla ee Jules Kounde hadii uu Raphael Varane ku biiro Man united xagaaga (Express).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.


Source: laacibfm

SHARE