Real Madrid Oo Xaqiijisay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Muhiim U Ah Tabababre Zidane.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ferland Mendy saacado ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Ferland Mendy ku dhaawacmay kulankii Liverpool waxana lagu sameeyay baadhitaan buuxa si loo ogaado nooca dhaawaciisa iyo sida ay wax u soo gaadheen.

Xiddiga reer France ayaa ka dhaawacmay lugta Bidix sidaas darteed waxa uu seegi doonaa kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga ee dhici doona Axada.

Dhaawacan ayaa imanaya maalmo ka hor kulanka champions League ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda chelsea kulan ka tirsan Semi-final-ka tartanka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa rajaynaya in uuna dhaawacu noqon mid halis ah xiddiguna diyaar u noqdo kulanka chelsea ee ay haatan 10 maalin oo kaliya inaga xigto.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.


Source: laacibfm

SHARE