Thomas Tuchel Oo Isku Qoray Taariikha FA Cup-ka Kadib Markii Uu Kooxdiisa Geeyay Final-ka.

Kooxda chelsea ayaa garaacday kooxda Man City iskana xaadirisay Final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Gool uu dhaliyay Hakim Ziyech ayaa chelsea ka caawiyay in ay dhaafto kooxda chelsea iskana xaadiriso Finla-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kadib markii ay Blues iska xaadirisay Final-ka FA Cup-ka tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa isku qoray taariikhda tartanka FA Cup-ka.

Tababare Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee Germnay ka soo jeeda ee iska xaadiriya Final-ka Tartanka FA Cup-ka isaga oo isku qoray taariikhda tartanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.


Source: laacibfm

SHARE