Wakhtiga Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ku Soo Laaban Doono Shaxda Arsenal Oo La Ogaaday Kadib Markii Laga Helay Xanuunka Duumada

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ku kalsoon in uu kabtankiisa Pierre-Emerick Aubameyang taam u noqon doono kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Everton Jimcaha dambe kadib markii xiddiga laga helay xanuunka Duumada.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haatan ka soo kabsanaya daawayn uu qaatay waxana uu seegay kulankii Europa League ee ay Arsenal la ciyartay kooxda Slavia Prague.

Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu Pierre-Emerick Aubameyang ka baxay Cusbitaalka waliba rajaynayo in uu xiddigu ka qayb qaadan karo kulanka Fulham ee Axada.

Laakiin shabakada ESPN ayaa sheegay in uu Pierre-Emerick Aubameyang seegi doono kulanka Fulham laakiin taam u noqon doono kulanka xiga ee ay la ciyaari doonaan Everton.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku jira xilli ciyaareed niyad jab leh isaga oo aan dhalin goolashii looga bartay tan ilaa markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub ee kooxda Ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.


Source: laacibfm

SHARE