Georginio Wijnaldum Oo Xiddigaha Liverpool U Sheegay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha Liverpool u sheegay in uu doonayo ku biirista kooxda Barcelona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ayaa xor uga tagi doona kooxda Liverpool kadib markii ay Liverpool diiday in ay miiska u saarto waxa uu doonayo iyada oo uu heshiiskiisa kooxdu dhici doono dhamaadka xili ciyaareedkan.

Xiddiga Georginio Wijnaldum ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona waxana uu doonayaa in uu ka hoos ciyaaro mar kale tababarihiisii hore ee xulka Qaranka Holland ee Ronald Koeman.

Wargayska Mirror ayaa sheeaya in uu xiddiga Georginio Wijnaldum haatanba xiddigaha kooxda Liverpool u sheegay in uu isku diyaarinayo in uu u dhaqaaqo kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Georginio Wijnaldum ayaa xilli ciyaareedkan kooxda Liverpool u ciyaaray 43 kulan waxana uu xiddig muhiim ah ka yahay qorshahah tababare Jurgen Klopp inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.


Source: laacibfm

SHARE