Hordhac: Arsenal vs Fulham: Gunners Oo Isha Ku Haysa Guusheedii 2-aad Oo Xidhiidh Ah.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Fulham kulan ka dhici doona Emirates Stadium kana tirsan todobaadkii 32-aad ee horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guushii 2-aad oo xidhiidh ah premeir League kadib markii ayna muddo gaadhin guulo xidhiidh ah tartanka.

Dhanka kale kooxda Fulham ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo ku jira tartan ay ugu jiraan ka bad-baadista in ay ka hadhaan tartanka premier Leageu xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: Arsenal Vs Fulham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 15:30

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal seddexdii kulan ee ugu danbeysay Premier League ee ay la ciyaareen Fulham, waxay ku guuleysteen 5-1, 4-1 iyo 3-0. Gunners ayaa haatan fursad u heysata inay ugu yaraan seddex gool ku garaacdo koox ka soo horjeedda afar kulan oo xidhiidh ah markii ugu horaysay.

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ayaa shabaqa soo taabtay dhamaan seddexdii kulan ee ay la ciyaareen Fulham iyada oo labada xiddig dhaliyeen 4 gool kulamadaas.

Kooxda Fulham ayaa raadineysa guusheedii ugu horreysay ee ay Arsenal kaga gaadhaan tartamada oo dhan kadib 30 jeer oo ay isku dayeen.

Xiddiga Aleksandar Mitrovic ayaa ah xiddiga kulamada ugu badan ciyaaray kulamada London Derbies laakiin aan wax guul ah kala bixin taariikhda tartanka.


Source: laacibfm

SHARE