Lionel Messi Oo Sii Dheeraystay Koobabka Shaqsiga Ah, Imisa Koob Ayuu Ku Guulaystay?

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay koobkiisii 35-aad ee shaqsiga ahaa kadib markii uu kooxda Barcelona ku hogaamiyay ku guulaysiga Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 2 gool oo ka mid ah 4-tii gool ee ay dhalisay kooxda Barcelona kulankii Athletic Bilbao kulan ka tirsanaa Copa del Rey-ga.

Xiddiga Lionel Messi ayaa sidaas darteed noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Copa del Rey-ga isaga oo dhaafay Halyeeyga Zarra isaga oo haatan dhaliyay 9 gool.

Labadii gool ee uu Lionel Messi dhaliyay ayaa goolashiisa guud ee xilli ciyaareedkan kor ugu qaaday 31 gool iyada oo uu u hadhay dhawr kulan oo horyaalka La Liga ah.

Isku soo wada duuboo koobkii Copa Del Rey-ga ee xilli ciyaareedkan ayaa la macno in uu xiddiga reer Argentine ku guulaystay koobkiisii 35-aad ee xirfadiisa ciyaareed.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.


Source: laacibfm

SHARE