Mourinho, Pogba, Sterling, Hazard, Varane, Messi, Bellerin & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Waxa jirta rmayn weyn oo ah in uuna Tababare Jose Mourinho ahaan doonin tababaraha Tottenham xilli ciyaareedka dambe xilli ay Spurs ku dhibaatoonayso in ay u so baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe (Football London).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa Man United u sheegay in uu u baahanyahay mushahar todobaadkii dhan 500 kun oo Gini hadii uu heshiis cusub u saxiixayo kooxda (Star).

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa isku baacsanaya saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane (Bild).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling kaas oo ku dhibaatoonaya in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Man City todobaadyadii ugu dambeeyay (Star).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa xiddigaha Liverpool u sheegay in uu ku biirayo kooxda Barcelona (Mirror).

Mustaqbalka xiddiga Tammy Abraham ee kooxda Chelsea ayuu shaki weyn soo fuulay kadib markii uu Thomas Tuchel xiddiga ka reebay Liiska xiddigaha kulankii Semi-final-ka FA Cup-ka (Mail).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa qarka u saaran in uu isaga tago kooxda Arsenal suuqa xagaagan (Romano).

Kooxda Man City ayaa loo sheegay in ay lacag 100 milyan ah ku bur-burin karto heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish (Star).

Kooxda Liverpool ayaa diyaarinaysa heshiis 5 sano ah oo ay ka saxiixanayso daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate (Star).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in wadahadalada heshiis kordhinta Lionel Messi si fiican u socdaan waliba horumar sameeyeen (Mirror).

Xiddiga Eden Hazard ayaa diyaar u ah in uu ku soo laabto chelsea xagaaga hadii ay Real Madrid la soo wada saxiixato xiddigaha Erling Haaland iyo Kylian Mbappe (Sun).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Achraf Hakimi ayaa Albaabka ka xidhay Arsenal isaga oo qirtay in uu ku faraxsanyahay Serie A-da (Express).

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramaya in ay diyaar u tahay in ay Man United u soo bandhigto saxiixa xiddiga Paulo Dybala si ay dhankoodana u helaan xiddiga Paul Pogba (Tuttosport).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.


Source: laacibfm

SHARE