Ole Gunnar Solskjaer Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Premeir League Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay kooxdiisu ku guulaysan karto horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay 11 dhibcood ka dambayso kooxda Man City ee hogaaminaysa horyaalka premeir League.

Kooxda Pep Guardiola ayaa hogaaminaysay horyaalka premeir League 3-dii bilood ee uu dambeeyay iyaga oo 8 dhibcood ku hayn dona horyaalka xitaa hadii ay Man United caawa badiso kulanka Burnley ee caawa.

“Kulan walba waxa uu muhiim u yahay Ma United, waa in aanan si dhib yar dhibcaha u lumin”ayuu Ole Gunnar Solskjaer Yidhi.

“Miyaan soo qaban karnaa Man City? Waxyaabo la yaab leh ayaa ka dhaca kubadaca dhibcaha badan ee lagu hogaaminayo waa la lumin karaa, hadii aan anagu badino kulamadeena wax walba way dhici karaan”ayuu sii raaciyay.

“Ma maamuli karno waxa ay qabanayaan laakiin kulan walba waa in aan badino”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.


Source: laacibfm

SHARE