Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Tartanka European Super League, Kooxaha Ogolaaday In Ay Ku Biiraa Fal Celintii Ugu Dambaysay Ee Xidhiidhada Kala Duwan.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo xoogaysanaya wararka ku saabsan tartanka European Super League kaas oo ay haatanba saxiixeen waliba ogolaadeen kooxo badan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Tartanka ayaa sidoo kale la sheegayaa in si Rasmi ah loogu dhawaaqi doono saacadaha soo socda taas oo abuurtay muran iyo fal celin badan oo ay ka yidhaahdeen xidhiidho badan oo kala duwan.

Waa Maxay Tartanka European Super League?

Tartanka European Super League ayaa ah tartan ay ku midoobayaan kooxo badan oo reer yurub ah kwuaas oo doonaya in ay ka goostaan UEFA si ay u abuurtaan tarankooda gaarka ah.

Kooxaha ka qayb qaadan doona tartanka European Super League?

Sida laga soo xigtay Wargayska The Times tartanka waxa ka qayb qaadan doona ku dhawaad 20 kooxood iyada oo ay 15 ka mid yihiin kooxaha 5-ta horyaal ee ugu waaweyn halka ay 5 kooxood ee kale is reeb-reeb u soo gali doonaan.

Waa Maxay Xeerka European Super League?

20-ka koxoood ayaa loo qaybin donaa 2 Group oo Group-kiiba ku jiro 10 kooxo iyada oo 4 kooxood ee Group walba ugu sareeya wareega Xiga u gudbi doonaan.

Kooxaha Ilaa haatan Saxiixay waliba ogolaaday in ay ka qayb galaan tartanka European Super League?

Manchester United, Manchester City, Liverpool, Chelsea, Arsenal, Tottenham, Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Juventus, AC Milan & Inter ayaa haatan ah 12-ka kooxood ee sida Rasmiga ah u ogolaaday in ay ku biiraan tartanka xilli ayna kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayna wali ogolaan tartanka.

Fal Celinta UEFA:

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa markiiba weerar ku qaaday maamulka, kooxaha iyo waliba cid walba oo ku lug leh tartanka iyaga oo waliba ku hanjabay in ay ganaaxi doonaan maxkamadna la gali doonaan kooxaha iyo xiddigaha ogolaada in ay ka qayb galaan tartanka

Premier League Oo Fal Celiyay:

Dhanka kale maamulka Horyaalka premier League ayaa dhankiisa markiiba fal celin sameeyay isaga oo ka soo hor jeestay in la bilaabo tartanka maadama ay arintaas dhibaato weyn ku keeni doonto tartamada maxaliga ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.


Source: laacibfm

SHARE