Chelsea Oo Dajisatay Qorshe U Fududayna Saxiixa Paul Dybala.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddigaha Emerson Pamieri iyo waliba Jorginho ku darto saxiixa ay ku doonayso xiddiga weerarka uga ciyaara Juventus ee Paulo Dybala.

Xiddiga reer Argentine ayay wax 18 bilood ka yar uga hadhsanyihiin heshiiskiisa Juventus waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagayo kooxda xagaaga xilli ay Juventus isku shaandhayn samayn doonto xagaaga.

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay ka mid tahay kooxo badan oo doonaya saxiixa xiddiga reer Argentine iyada oo uu Thomas Tuchel doonayo in uu ku xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in ay Chelsea xitaa diyaar u tahay in ay heshiiska xiddiga ku darto xiddigaha Emerson Palmieri & Jorginho si ay u hesho saxiixa Dybala.

Labada xiddig ee Emerson Palmieri & Jorginho ayaa dhankooda lala xidhiidhinayaa saxiixooda Juventus Waxana ay chelsea doonaysaa in ay arintaas ka faa’iidaysato.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE