DEG-DEG: Tottenham Oo Shaqada Ka Caydhisay 6 Maalin Ka Hor Final-ka Caraboa Cup-ka.

Kooxda Tottenham ayaa shaqada ka caydhisay tababare Jose Mourinho iyada oo kooxdu ku dhawdahay in ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Mourinho oo 58 jir ah ayaa shaqada ka badalay Mauricio Pochettino bishii November 2019 laakiin haatan waxa shaqada laga caydhiyay kadib xilli ciyaareed xun oo ay ku jirto koxdu.

Shaqo ka caydhinta Jose Mourinho ayaa imanaysa 6 maalin ka hor Final-ka ay Tottenham la ciyaari doonto kooxda Man City Final-ka Carabao Cup-ka kana dhici doona Wembley.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in tababarayaasha Ryan Mason iyo Chris Powell ay qaab ku meel gaadh ah u sii hogaamin doonaan kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kooxda ayaa sidoo kale haatanba bilowday raadinta badalka Jose Mourinho kaas oo dhaleecayn xoogan la kulmay xilli ciyaareedkan waxana lagu dhawaaqi doonaa tababaraha cusub dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE