Kooxaha Premier League Oo U Tashanaya 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League Kadib Markii Ay Ku Biireen European Super League

Kooxaha premier League ayaa lagu soo waramayaa in ay u Tashanayaan 6-da kooxood ee ugu waaweyn ee premeir League kadib markii ay kooxaha waaweyn ku biireen tartanka European Super League oo la bilaabay shalay.

14-Ka kooxood ee premier League ayaa lagu soo waramayaa in ay si gaar ah u kulmeen si ay go’aan uga gaadhaan xaalka kadib markii kooxaha waaweyn ku biireen tartanka cusub ee European Super League.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay kooxaa 14-ka ah ee horyaalku ay doonayaan in dhibcaha laga jaro 6-da kooxood ee ugu waaweyn ee ku biiray tartanka European Super League waliba laga reebo Premeir League xilli ciyaareedka dambe.

Adduunka oo dhan ayaa hal meel uga soo wada jeestay tartanka European Super League kadib markii 12 kooxood oo ay ku jiraan 6-da koox ee ugu waaweyn ay ku midoobeen si ay u ciyaaraan.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE