Messi, Mbappe, Abraham, Lingard, Kabak & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Barcelona ayaan wali heshiis cusub u soo bandhigin kabtankeeda Lionel Messi kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono suuqa xagaaga (Marca).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa joojiyay wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda (Sport).

Tababaraha Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa ku rajo weyn in uu xiddiga Kylian Mbappe uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda (Goal).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa sheegay in saxiixista heshiis cusub oo Arsenal ah ku xidhantahay kooxda (Mirror).

Kooxaha Leicester City iyo West Ham ayaa doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Tammy Abraham (Guardian).

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri (Todofichajes).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato tababare isaga oo galaya 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa (Mail).

Kooxda Man United ayay u badantahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee koxda West Ham ee Declan Rice (Express).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga khadka dhexe ee koxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Star).

Xiddiga khadka dhexe ee Jesse Lingard ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo doonaya in uu si toos ah ugu biiro kooxda West Ham xagaaga (TEAMtalk).

Kooxaha Arsenal, Man United iyo Real Madrid ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Villarreal ee Pau Torres (Cammaroto).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Schalke si ay qaab toos ah ugala wareegto daafaca Ozan Kabak (Fussball Transfers).

Xiddiga Sergio Ramos Ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan (Don Balon).

Wakiilka Caanka ah ee Mino Raiola ayaa xiddiga uu wakiilka u yahay ee u ciyaara kooxda Ac Mlan ee Hakan Calhanoglu u soo bandhigay kooxda Barcelona xagaaga (Don Balon).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Sevilla ee Youssef En-Nesyri  (Estadio Deportivo).

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE