RASMI: Mohamed Salah Oo Loo Magacaabay Kabtanka Xulka Qaranka Masar.

Xidhiidhka kubada cagta dalka Masar ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in kabtanka xulka 1-aad laga dhigay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Mohamed Salah ayaa si Rasmi ah u noqon doona kabtanka 1-aad ee xulka qaranka Masar ka hor tartanka koobka qaarada Africa ee soo socda.

Tababaraha xulka qaranka Masar ee Hossam El Badry Ayaa go’aansaday in uu xiddiga Mohamed Salah ka dhigo kabtanka xulka qaranka Ka hor tartanka koobka qaarada Africa.

Xiddiga Mohamed Salah ayaan wali kabtan u noqon xulka qarankiisa laakiin tababare Hossam El Badry ayaa go’aansaday in uu Mohamed Salah noqdo kabtanka xulka qaranka 1-aad.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE