RASMI: UEFA & FIFA Oo Soo Saaray Ganaaxyada Kooxaha & Xiddigaha Ka Qayb Gala Tartanka Cusub Ee European Super League

Xidhiidhka kubada cagta adduunka iyo waliba Xidhiidhka yurub ee UEFA ayaa si Rasmi ah u shaaciyay ganaaxyada dusha laga saari dhamaan xiddigaha iyo Kooxaha ka qayb gala tartanka cusub ee European Super League.

Xidhiidhada kubada cagta yurub iyo adduunka ee UEFA Iyo FIFA ayaa si Rasmi ah u shaaciyay in ganaaxyo dusha laga saari doono dhamaan xiddigaha iyo kooxaha ka qayb gala tartanka cusub ee European Super League.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, AC Milan, Arsenal, Chelsea, Inter, Juventus, Liverpool, Manchester City, Manchester United & Tottenham ayaa ka mid ah kooxaha ogolaaday in ay ka qayb gali doonaan tartanka.

FIFA iyo UEFA ayaa soo saaray warbixin u qoran sidan:” Koox kasta iyo xiddig kasta oo ka qayb gala tartanka European Super League, waxa laga mamnuuci doonaa in ay ka qayb galaan tartamada yurub iyo waliba adduunka ee kubada cagta”.

Arintaas ayaa la macno ah in xiddig walba oo ka qayb gala tartanka in ayna ka qayb gali doonin tartamada yurub ee xulalka iyo waliba koobaka adduunka iyo tartamada walba oo hoos yimaada xidhiidhka FIFA.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE