Taageerayaasha Liverpool Oo Noqdo Taageerayaashii Ugu Horeeyay Ee Ka Soo Hor Jeestay European Super League

Taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa noqday taageerayaashii ugu horeeyay ee ka soo hor jeestay bilaabashada Tartanka cusub ee European Super League.

Xalay ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay bilaabashada ama dhalashada tartanka European Super League kaas oo ay ku midoobeen kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ee kubada cagta.

Kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ee Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, AC Milan, Arsenal, Chelsea, Inter, Juventus, Liverpool, Manchester City, Manchester United & Tottenham ayaa bilaabay tartanka cusub ee European Super League.

Go’aankaas ayaa laga sameeyay fal celin xoogan oo adduunka kubada cagta oo dhan hadii ay tahay taageerayaasha, Xidhiidhada horyaalada kala duwan iyo waliba xidhiidhada FIFA iyo UEFA Iyo waliba khabiirada kubada cagta.

Si kasta ha ahaatee taageerayaasha liverpool ayaa noqday kuwii ugu horeeyay ee talaabo qaaday kadib mudaharaad ay ku qabteen garoonka Anfield hortiisa iyaga oo kaga soo hor jeesteen bilaabashada tartanka.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa samaystay boodhadh ay kaga soo hor jeesteen go’aanka ay kooxdoodu ugu biirta tartanka European Super League kaas oo ay ka qayb qaadan doonaan.

Taageerayaasha Liverpool ayaa soo qaatay Boodhadh ay ku qoranyihiin “Ceeb bey kugu tahay Liverpool”. “Taageerayaasha Liverpool waxa ay ka soo hor jeedaan Tartanka European Super League”.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE