XASAASI: 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premeir League Oo Gabi Ahaan Laga Reebayo Horyaalka Xilli Ciyaareedka Dambe.

Maamulka horyaalka premier League iyo xidhiidhka FA-ga dalka England ayaa warbixin soo saaray iyaga oo fariin u diray kooxaha waaweyn ee horyaalka premier League iyaga oo u sheegay in ay ka dhaadhici doonaan premier League xilli ciyaareedka dambe.

Sidoo kale xukuumada UK ayaa gabi ahaan taageertay go’aanka ay wada qaateen FA-ga iyo waliba Maamulka Premeir League ee ku aadan 6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka premier League.

Go’aankaan ayaa imanaya kadib markii kooxaha premier league ugu waaweyn ogolaadeen in ay ku biiraan tartanka European Super League kaas oo si Rasmi ah loo shaaciyay bilaabashadiisa.

Kooxaha Man United, Liverpool, Arsenal, Chelsea, Tottenham iyo Man City ayaa dhamaantood ogolaaday in ay ku biiraan tartanka European Super League kaas oo ka goosanaya tartanka champions League.

Laakiin Maamulka Premier League ayaa kooxaha waaweyn u sheegay in ay championship-ka ka ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe hadii ay ku sii socdaan ka qayb galka tartanka European Super League.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE