XASAASI: Xiddig Kale Oo Arsenal Oo Uu Soo Dhamaaday Xilli Ciyaareedkiisu & Mikel Arteta Oo Baxar Ku Jira.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Alexandre Lacazette garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa dhaliyay 17 gool 39 kulan oo uu tartamada oo dhan u ciyaaray Arsenal waxana la badalay qaybtii hore ee kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay Fulham.

Arteta ayaa sheegay in uu xiddigu baadhitaan mari doono Salaasada si loo ogaado halista dhaawaca laakiin sheegay in uu xiddigu maqnaan doono 5 ilaa 6 todobaad.

“Waan eegi doonaa, waxa uu xanuun ka dareemay muruqa, sidaas darteed haatan waxba kama ogin”ayuu Arteta yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa aan arki doonaa waxa uu Baadhitaanku muujiyo”

“Waxa aan filayaa in ay noqon doonto 5 ilaa 6 todobaad dhamaanteena waan ka niyad jabsanahay sababta oo ah laca waxa uu ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah”.

Alexandre Lacazette Ayaa dhaliyay 13 gool oo premier League waxana uu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl


Source: laacibfm

SHARE