Alan Shearer Oo Ku Baaqay In La Ganaaxo Kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Man City, Man United & Tottenham

Alan Shearer ayaa ugu baaqay Premier League in la Ganaaxo kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham sababo la xiriira ku lug lahaanshaha European Super League.

6-da Kooxood ee ugu waaweyn Premeir League ayaa ogolaaday in ay Aas-Aasan tartanka lagu magacaabo European Super League iyaga oo la aas-aasay kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid, Barcelona, Juventus, Ac Milan iyo Inter Milan.

Shearer ayaana ku booriyay Premier League inay mowqif adag ka istaagaan kooxaha doonaya inay yagleelaan horyaalkan cusub.

“European Super League waxa uu dhibaato ku yahay Premier League iyo cid walba, Hagaaga, waa in la ganaaxo waliba si deg-deg ah”ayuu Shearer yidhi.

“Waxa aan hubaa in ay eegi doonaan dhinac walba oo shardiga ah iyo waliba cadaadiska ay dareemayaan laakiin waa in ay ganaaxaan kooxaha ka qayb galaya tartanka European Super League”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE