DEG-DEG: 3 Koox Oo Premier League Oo Ka Baxay Tartanka European Super League

Kooxaha Arsenal, Chelsea Iyo Man City ayaa noqday kooxihii ugu horeeyay ee Premeir League sida Rasmiga ah uga baxa tartanka European Super League 48 Saac kadib markii lagu dhawaaqay tartanka.

Kooxo ay ka mid yihiin 6-da kooxoo ee premier League ayaa ku heshiiyay in ay bilowdaan tartanka European Super League kaas oo adduunka oo dhan ka qalisiiyay waliba cadho badan abuuray.

Taageerayaasha, Xidhiidhada kala duwan iyo waliba Khabiiro badan ayaa si cadho leh uga hadlay tartanka European Super League iyaga oo xitaa kooxaha loogu hanjabay ganaaxyo kala duwan.

Wararka haatan soo xoogaysanaya ayaa sheegaya in kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Man City noqdeen 3-da kooxood ee ugu horeeya ee premier League ee isaga baxa tartanka European Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE