DEG-DEG: Gudoomiyaha Man United Ee Ed Woodward Oo Iska Casilay Shaqada Man United & Bur-Burka European Super League Oo Sabab U Ah.

Ed Woodward ayaa ka dagi doona xilka gudoomiye ku xigeenka fulinta ee kooxda Manchester United dhamaadka sanadka 2021.

49 jirkaan ayaa baneyn doona shaqada ugu sareysa Old Traaford sabab la xidhiidha muranka ka taagan tartanka European Super League.

Wararka ayaa sheegaya in uuna cidna kala tashan go’aankii uu ku ogolaaday in uu Man United ku daro Liiska kooxaha abuuray tartanka European Super League taas oo keentay in ay milkiilayaasha Man United si weyn uga xanaaqeen talaabada.

Woodward ayaa kooxda Man United hogaaminayay tan ilaa sanadkii 2005 waxana uu ka mid ahaa dadkii Milkiilayaasha Glazers u iibiyay kooxda markii ay iibisanayeen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay Ed Woodward isku dheceen xiddigo ka mid ah kooxda Man United sabab la xidhiidha tartanka European Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE