Hordhac: Chelsea Vs Brighton: Blues Oo Isha Ku Haysa Ku Soo Laabashada Kaalinta 4-aad.

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan todobaadkii 32-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka oo ay u waayeen kooxda West Ham bilowgii todobaadkan.

Dhanka kale kooxda Brighton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo u dagaalamaya kana baxsanaya boosaska looga hadho tartanka Premeir League.

Kulanka: Chelsea Vs Brighton

Tartanka: Premeir League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tan ilaa markii ay guuldaro kaal kulantay kulankoodii ugu horeeyay ee ay la kulantay Brighton bishii January sanadkii 1993 kulan FA Cup-ka ahaa chelsea ayaan guuldaro kala kulmin Brighton 14-kii kulan ee ugug dambeeyay.

Brighton ayaa guuldaro la kulantay dhamaan 6-dii kulan ee ay booqatay chelsea tartamada oo dhan iyaga oo waliba ku fashilmay in ay dhamaan wax gool ah dhaliyaan kulamadaas.

Chelsea ayaan gool looga hor marin 7 kulan oo premier League ah oo ay la ciyaartay Brghton waana kooxda 3-aad ee aanay koox kale gool uga hor marin premier Leaue.

Brighton ayaa ilaashatay shabaqeeda 10 kulan premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 7 ka mid ah ilaashaday sanadkan cusub ee 2021.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE